Xildhibaannada oo beeniyay in ay lunsadaan gunnooyinka ilaalladooda iyo darawaliintooda

0
348

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa beeniyay warar la faafiyay oo sheegaya in xildhibaannada ay lunsadaan lacagaha gunnooyinka ah ee loogu tala galay saraakiisha ilaallada u ah iyo sidoo kale darawaliintooda.
Karaaniga baarlamaanka dalka Samuel Njoroge ayaa warbixintan ku tilmaamay mid been abuur ah.
Waxaa uu sheegay in ay tahay mid xiisad lagu abuuraya oo lagu marin habaabinaya shacabka.
Njoroge ayaa sharraxay in tallaabadii meesha looga saaray hindise sharciyeedkii maaliyadda ee sanadkan ay saameyn ku yeelatay miisaaniyadda guddiga adeegga baarlamaanka dalka ee PSC.
Waxaa uu tilmaamay in tani ay si gaar ah u saameysay qarashaadka gunnooyinka ee xafiisyada deegaan baarlamaneedyada oo la yareeyay.
Samuel Njoroge ayaa intaasi ku daray in aynan suurtagal ahayn in xildhibaan uu bixiyo lacag gunno ah oo aan la qoondeyn.