Ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU) ayaa shaaciyay inuu 30-ka bishan yeelanaya shirweyne looga arrinsanaya shaqo joojin qaran oo qorsheysan.
Xoghayaha Guud ee KMPDU Dr. Davji Atellah ayaa walaac ka muujiyay caqabadaha dhaqaale ee haysta ardayda soo bartay culuunta caafimaadka ee tijaabada maraya.
Waxaa uu sheegay in shakhsiyaadkan aynan mararka qaar helin xita nooliga baabuurta lagu raaco si ay u tagaan goobaha shaqada.
Waxaa uu howlwadeennadan ku amray in ay guriyaha ku sugnaadaan oo aynan shaqo tagin ilaa inta laga xallinaya tabashooyinkooda.
Sidoo kale waxaa uu xusay in dhakhaatiirtan ay wajahayaan culeysyo maskaxeed oo ka dhashay dhibaatooyinka haysta.
Amarka KMPDU ayaa yimid ka dib markii sarkaal caafimaad oo ka howlgalayay Thika uu is dilay.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Dhakhaatiirta dalka oo shaaciyay in ay dhawaan shaqo joojin billaabi doonaan