Kumannaan ka mid ah dadkii horay uga barakacay Koonfurta Lebanon oo dib u soo laabanaya

0
265

Barakacayaasha dalka Lebanon ayaa billaabay in ay dib ugu soo laabtaan Koonfurta waddankaasi oo ay horay uga qaxeen.
Waxay tani ku soo beegmaysa iyadoo rajo laga qabo in uu sii jiro heshiiska xabbad joojinta ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xisbullah.
Ka dib 14 bilood oo burbur ah iyo dagaal xooggan oo ka dhaxeeyay Israa’iil iyo Xisbullah ayaa saaka la meel mariyey heshiiskii shalay.
Waxaa xasillooni dheeraad ah laga dareemaya guud ahaan dalka Lebanon.
Meelaha ay dadku billaabeen in ay dib ugu soo noqdaan waxaa ka mid ah magaalooyinka Sidon iyo Tyre ka dib markii uu hirgalay heshiiskii xabbad joojinta abaare 4-tii aroornimo.
Shalay ayay ahayd markii duqeymo xooggan oo ay Israa’iil ka gaysatay Lebanon ay ku dhinteen 42 qof sida laga so xigtay maamullada maxalliga.