Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa amray in waaxda hal abuurka ee dalka la hoos geeyo xafiiska madaxweynaha waddanka, si loo horumariyo fursadaha hal abuurnimo.
Madaxweyne William Ruto oo maanta hadal ka jeediyay furitaanka toddobaadka hal abuurka ee Kenya ee lagu qabtay magaalada Nairobi, ayuu ku dhawaaqay in go’aankan uu yimid, iyadoo baahi loo qabo in la horumariyo ganacsiyada hal abuurka.
Ruto ayaa xusay in tallaabadan ay sidoo kale ka caawin doonto dowladda inay la socoto fikradaha hal abuurka iyo tiknoolojiyadda muhiimka ah ee ay hormariyeen Kenyaanka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo jeediyay in 500 milyan oo shilin oo ah miisaaniyad dheeri ah loo qoondeeyo waaxda hal abuurka ee dalka.
Waxaa uu xusay in soo jeedintan uu la wadaagi doona golaha qaran ee xeer dejinta, si uu ansaxiyo.
Waaxda hal abuurka ee dalka ee (KENIA) oo ah shirkad dowladeed ayaa muddo 11 sano hoostagaysay wasaaradda waxbarashada ee waddanka.