Heshiis xabbad joojin ah oo ka dhaqan galay Lebanon

0
131

Waxaa dalka Lebanon ka dhaqan galay heshiis xabbad joojin ah oo u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda Xisbullah.
Is-afgaradkan ayaa la filayaa inuu soo afjaro duqeymaha ay Israa’iil ka gaysanaysa magaalooyinka kala duwan ee waddankaasi.
Madaxweynaha Maraykanka ee xafiiska banneynaya Joe Biden ayaa sheegay in heshiiskan uu dhigaya in ciidamada militariga ee Israa’iil ay gudaha Lebanon uga baxaan muddo 60 cishe gudaheeda ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo gudaha Lebanon lagu dilay ugu yaraan 3,823 qof halka la dhaawacay 15,859 kale.