Felix Koskei oo beeniyay inuu jiro qorsho dhanka basaasnimada ah

0
158

Madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka Felix Koskei ayaa iska fogeeyay heshiis dhanka basaasnimada ah oo lala xiriiriyay.
Tani ayaa timid ka dib markii la soo tabiyay inuu jiro is-afgarad lagu soo iibsanaya adeeg casri ah oo howshan loo isticmaali karo.
Koskei ayaa warkaasi ku tilmaamay mid been abuur ah oo la doonaya in sumcadiisa lagu dhaawaco.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in uunan aqoon u lahayn Ms Mary Wachuka iyo shirkadda Jipe oo qoraalkaasi lagu xusay.
Waxaa uu dalbaday in cidii warbixintaasi qortay ay raalli gelin degdeg ah bixiso haddii kale uu qaadaya tallaabo sharciyeed.