DHAGEYSO:Xaakinada maxkamadda deegaanka iyo dhulalka oo ku shiraya magaalada Eldoret

0
340

Waxaa maanta magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu shir uga furmay xaakiinada maxkamadda arrimaha deegaanka iyo dhulalka ee dalka.
Madaxa cadaaladda ee dalka Martha Koome ayaa si rasmi ah u furtay shirkan.
Shirkan ayaa la soo gabagabeyn doona maalinka Khamiista ee 28-ka bishan.
Kalfadhigga ay yeelanayaan xaakiinada maxkamadda arrimaha deegaanka iyo dhulalka ee waddanka ayaa looga gol leeyahay in lagu xoojiyo adeegyada maxkamaddan si ay awood ugu yeelato in si fudud lagu xalliyo kiisaska la xiriira dhulka iyo deegaanka.
Garsooraha sare ee maxkamadda arrimaha deegaanka iyo dhulalka ee dalka Oscar Amugo Angote ayaa sheegay in ku xigeenka madaxweynaha dalka Prof. Kithure Kindiki lagu martiqaaday shirkan.
Waxaa uu sidoo kale warbaahinta u faahfaahiyay qodobbada ay shirkan dirradda ku saarayaan.

Dhanka kale, garsooraha maxkamadda arrimaha deegaanka iyo dhulalka ee laanteeda dowlad deegaanka Uasin Gishu Elijah Ogoti Obaga ayaa hadlay muhimadda uu kulankan leeyahay.