Ganacsade dhowr mar xaaskiisa ku toorriyeeyay Nakuru oo isku soo dhiibay booliiska

0
135

Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa sheegay in laamaha ammaanka uu isku soo dhiibay eedeysane lagu magacaabo Elias Mutugi Njeru.
Waxaa uu tagay saldhigga booliiska ee Nakuru isagoo uu weheliyo qareenkiisa Gakuhi Chege.
Ganacsadaha oo sidoo kale ah baadari kaniiseed ayaa loo haystaa inuu dhowr mar xaaskiisa Florence Wanjiku Gichohi toorriyeeyay isagoo doonaya inuu nafteeda ka takhaluso.
Dhacdadan ayaa Jimcihii laga diiwaangeliyay saldhigga booliiska ee Kiamunyi ee ismaamulka Nakuru.
Booliiska ayaa xusay in weli la daaweynaya haweeneyda oo ay dhaawacyo culus soo gaareen.
Dhibaatada uu tuhmanaha u gaystay ayaa la rumeysan yahay in ay salka ku haysa muran dhanka qoyska ah iyo arrimo ganacsi.
Elias Mutugi Njeru ayaa hadda ku jira saldhigga booliiska wuxuuna maraya baaritaanno dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.