Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua ayaa carrabaabay qorsho uu ka hor doorashada guud ee sanadka 2027-da ku aasaasi doono isbeheysi siyaasadeed.
Arrintan ayuu ka sheegay ismaamulka Murang’a ee gobolka bartamaha dalka.
Waxaa uu xusay in ay socdaan wada tashiyo lala yeelanaya madaxda diimeed iyo mas’uuliyiinta siyaasadeed ee ay isku aragtida yihiin.
Gachagua ayaa sheegay in bisha Koowaad ee sanadka soo socdo la filaya wargelin rasmi ah oo qorshahan ku aaddan.
Sidoo kale waxaa uu madaxweynaha , ku xigeenkiisa iyo hoggaamiyaasha kale ka codsaday in aan canshuur dheeraad ah la saarin shacabka oo uu tilmaamay in ay culeysyo nololeed wajahayaan.