KETRACO oo sheegtay in Kenya uunan dhaqaale uga khasaarin heshiiskii la baajiyey ee Adani

0
175

Shirkadda dalka ee xiriirinta korontada ee KETRACO ayaa sheegtay in uunan jirin wax khasaare maaliyadeed ah oo Kenya ka soo gaaraya heshiiskii kala dhexeeyay shirkadda Adani ee laga leeyahay waddanka India.
Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha waddanka William Ruto uu amar ku bixiyay in is-afgaradkan oo qayb ka mid ah la doonayay in lagu ballaariyo gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi meesha laga saaro.
Tani ayaa timid ka dib markii guddoomiyaha shirkaddan Gautam Adani lala xiriiriyey bixinta laaluushka.
Hasa ahaate shirkadda KETRACO ayaa sheegaysa in kastoo aan hanti lagu lumin heshiiska haddana in baajintiisa ay hoos u dhigaysa dhaqangelinta mashaariicda tamarta ee sida degdegga ah loogu baahan yahay.
Waxaa sidatan sheegay agaasimaha guud ee shirkadda xiriirinta korontada ee dalka Injineer John Mativo.
Waxaa uu intaasi ku daray in la guda galay geeddisocodka loogu hoggaansamaya amarkii uu 21-kii bishan bixiyay hoggaamiyaha qaranka.