Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu si kulul u cambaareynayo weerar uu sheegay in Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmad Maxamad Islaam (Axmad Madoobe) uu ku qaaday Huteelka AGAN oo ay deganayeen dad shacab iyo ilaallada Siyaasiyiinta gaar ahaan Senatar Ilyaas Bedel Gaboose sida uu hadalka uu u dhigay.
Waxaa uu weerarkaasi wasiirka ku tilmaamay mid argagaxiso ah.
Wasiir Fartaag ayaa sheegay inuu uga digayo Ciidamada qaranka Soomaaliyeed inaysan ku milmin arrimaha Siyaasadda ee ka taagan Jubbaland ayna ku koobnaadaan sugidda ammaanka iyo howlaha loo igmaday oo kaliya.
Waxaa uu wasiirka ugu hanjabay cidii ku lug yeelata inay muteeysan doonto Maxkamad.
Wasiirka ayaa sheegay inuu madaxweynaha Jubbaland doonayo in dagaal sokeeye ka dhex dhaliyo Bulshada ku nool magaalada Kismaayo.
Waxaa uu u tacsiyadeeyay dadkii maanta ku dhintay israsaaseentii dhexmartay Ciidamada Jubbaland iyo ilaallada Siyaasiyiinta Jubaland ee ku sugnaa Huteelka AGAN ee Magaalada Kismaayo.
Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa hadda deggan, waxaana dib u soo laabtay isku socodkii dadka iyo gaadiidka oo wakhti yar hakad galay.