Booliiska oo gacanta ku dhigay eedeysane la xiriirinaya dil xaafadda Islii wiil soomaali ah loogu gaystay

0
507

Saraakiil ka tirsan waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa gacanta ku dhigay eedeysane la xiriirinaya dil xaafadda Islii ee deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi laga gaystay 9-kii bishan.
Paul Odhiambo Owuodho, oo loo yaqaan Fazul Maxamad, ayaa laga soo qabtay xaafadda isku raranta ah ee Kiambiu ee ka tirsan Islii, ka dib markii booliiska ay xog ka heleen qaybaha bulshada.
Eedeysanaha oo 27 sano jir ah ayaa la xiriirinaya dilka Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ibraahim oo 25 sano jir ahaa.
Marxuumka ayaa 9-kii bishan xilli saq dhexe ah lagu dilay dhismaha DD Plaza ee ku yaalla waddada 12-aad ee xaafadda Islii.
Tuhmanaha la qabtay ayaa sidoo kale la xiriiriyay dilka sarkaal ka tirsanaa waaxda DCI-da oo ka howlgalay saldhig booliis oo ku yaalla deegaanka Makadara ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa uu eedeysanaha hadda ku jiraa saldhigga booliiska ee Shauri Moyo, iyadoo lagu wado in maxkamad la soo taago.