Booliiska ismaamulka Nakuru ayaa baadigoobaya baadari lagu eedeeyay inuu xaaskiisa toorri ku dhaawacay.
Baadariga oo magaciisa lagu sheegay Elias Njau ayaa la sheegay inuu baxsaday ka dib markii uu falkan gaystay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu xaaskiisa dhaawac halis ah u gaystay islamarkaana haatan xaaladeeda lala tacaalayo.
Falkan ayuu habeenimadii Jimcaha soo galeysay ka gaystay deegaanka Rongai ee ismaamulka Nakuru.
Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay in baadariga uu sidoo kale isku dayay inuu dilo labo carruur ah oo uu dhalay, balse ay ka hortageen.
Booliiska ayaa sheegay inay wadaan baaritaano dhacdadan ku aadan.
Dhacdadan ayaa caro ka dhalisay dhanka baraha bulshada, iyadoo dadka adeegsada ay dalbanayaan in gacanta lagu soo dhigo baadariga dhibaatada u gaystay xaaskiisa.
Waxaa falkan sidoo kale cambaareysay barasaabka ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru.
Dhacdadan ayaa ku aadeysa saacado un ka dib markii madaxweynaha dalka William Ruto uu dhawaan cambaareeyay kor u kaca kiisaska la xiriira tacaddiga jinsiyadeed ee (GBV) iyo dilalka haweenka.
Home Wararka Kenya Booliiska Nakuru oo baadigoobaya baadari xaaskiisa toorri dhaawac daran ugu gaystay