Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa taliyihii hore ee ciidamada difaaca dalka Robert Kibochi u magacaabay in uu noqdo guddoomiyaha cusub ee guddiga maamulka ee isbitaalka Mwai Kibaki.
Waxaa uu madaxweynaha sidoo kale xildhibaankii hore ee deegaan baarlamaaneedka Rarieda Nicholas Gumbo u magacaabay guddoomiyaha guddiga sare ee maamulka ee sonkorta dalka.
Xildhibaankii hore ee deegaan baarlamaaneedka Kesses ee ismaamulka Uasin Gishu Swarup Mishra ayaa asna loo magacaabay guddoomiyaha guddiga maamulka ee machadka soo saaridda dawooyinka ee dalka oo loo yaqaano Kenya Biovax Limited.
Magacaabistan ayaa shaaca looga qaaday wargeyska rasmiga ee dowladda oo 22-ka bishan ku taariikhaysan.
Shakhsiyaadkan oo uu madaxwynaha soo magacaabay ayaa shaqeyn doono muddo saddex sano.