Haashim Dhaqane Muxumad oo ah eedeysanaha ugu muhiimsan ee dilkii loo gaystay haweeney, gabadheeda iyo gabadh ay habaryar u ahayd oo soomaali ah ayaa qiray inuu ku dambeeyay dilka gabadh afaraad oo ay saaxiibo ahaayeen oo bishii hore lafaha meydkeeda laga helay qabuuraha Lang’ata ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu Haashim Dhaqane maanta booliiska geeyay meelaha kala duwan ee uu ku tuuray qaybaha kale ee jirka ee meydka Deeqa Cabdinuur Qorane.
Haashim ayaa booliiska u sharraxay sababta uu dilay Deeqa.
Waxaa uu sheegay in ka war haysay dilkii uu u gaystay haweeney, gabadheeda iyo gabadh ay habaryar u ahayd.
Eedeysanaha ayuu qorshuhu yahay in markale maxkamadda la soo taago 2-da bisha 12-aad ee sanadkan.