Madaxweynaha Jamhuriyadda iskeed madax bannanida ugu dhawaaqday ee Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay safar ugu ambabaxaan dalka Jamhuuriyada Jabuuti.
Ujeedka Socdaalka Madaxweyne Muuse Bixii ee Jabuuti ayaa waxaa lagu sheegay sidii uu uga qeyb geli lahaa Caleemo-saarka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad loo doortay hogaanka wadankaas.
Madaxweynaha Soomaaliland ayaa waxaa safarkiisa wehlinaya xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada waxayna kulamo kala duwan la qaadan doonaan dhigooda dalkaasi Jabuuti.
Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhowr jeer oo hore socdaalo ku tegay dalka Jabuuti, isagoona halkaas kula kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle,kalana wada hadlay Arrimo kala duwan.
Geelle ayaa markii 5-aad oo xiriir ah ku guuleystay doorashada Madaxtinimada dalka Jabuuti, waxaana Caleemo-saarkiisa ka qeyb galaya Madax badan oo lagu Casuumay.