In ka badan 42 qof oo lagu dilay Pakistan

0
330

Waxaa lagu soo warramayaa in rag hubeysan ay gobolka ku yaalla Waqooyiga Galbeed ee dalka Pakistan ee Khyber Pakhtunkhwa ay ku dileen ugu yaraan 42 ruux.
Tani ayaa timid ka dib markii ay rasaas ku fureen kolonyada baabuurta ee shiicada.
Booliiska Pakistan ayaa sheegay in dadka ku nafwaayay weerarka ay ka mid yihiin haween iyo carruur.
Dhibaatadan ayaa si gaar ah uga dhacday degmada Kurram oo ay rabshado ka taagnaayeen tan iyo bishii Toddobaad ee sanadkan .
Shaqaaqooyinka saameeyay gobolkaasi oo xiga dhanka xadka dalka Afghanistan ayaa salka ku haya muran dhuleed.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.