Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu diyaar u yahay in uu si togan u qaato dhaliilaha loo jeediyay iyo walaaca kenyaanka.
Xilli uu shalay si wadajir ah khudbad ugu jeediyay xildhibaannada baarlamaanka iyo senatarrada aqalka sare, ayuu sheegay in la jooga xilligii la dhageysan lahaa cabashada ay qabaan muwaadiniita.
Waxaa uu intaasi ku daray in maamulkiisa uu diyaar u yahay inuu ka falceliyo baaqyada ay dadweynaha soo jeediyeen.
Madaxweynaha ayaa xusay inuu diyaar u yahay la shaqeynta shacabka Kenyaaanka iyo dhinacyada ay khuseyso.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in uu aqbalayo talooyinka la soo jeediyay ee ku aadan sidii dalka iyo nolosha kenyaanka loo horumarin lahaa.
Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo aaday iyadoo baadariyaasha kaniisadda Catholic-ga ay dhawaan dowladda ku dhaliileen in aynan kenyaanka u oofin waxyaabihii ay ballan qaadday.