Haweeney lagu helay ka ganacsiga daroogada

0
149

Maxkamadda dalka ayaa haweeney ganacsato ah oo lagu magacaabo Joyce Akinyi ku caddeysay ka ganacsiga maandooriyaha.
Saraakiisha waaxda dacwad oogidda ee kala ah Norah Achieng, Annette Wangia iyo Faith Mwila ayaa maxkamadda u soo bandhigay caddeymo wax ku ool ah oo ka dhan ah Akinyi, Paulin Kalala iyo Peres Ochieng.
Waxaa dhammaantood lagu helay in ay maandooriyaha ka gudbiyaan xudduudaha.
Sidoo kale Joyce Akinyi ayaa maxkamadda loo cadeeyay in ay baasaboorka qaadatay iyadoo aan bixin faahfaahin sax ah.
Waxaa sidoo kale lala xiriiriyay falal dambiyeedyo dheeraad ah.
Waxaa uu qorshuhu yahay in maxkamadda ay xukun kama dambeys ah soo saarto 10-ka bisha 12-aad ee sanadkan.