Hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa madaxweynaha dalka William Ruto kula taliyay inuu gebi ahaanba daaqadda ka tuuro caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee SHA.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in kastoo caymiskan la dhaqangeliyay bil ka hor haddana in kenyaanka weli aynan ka faa’iidaysan oo ay culeysyo la kulmaan mar kasta oo ay raadsadaan adeegyada caafimaadka.
Dhanka kale , Mr.Musyoka ayaa madaxweynaha ku bogaadiyay inuu meesha ka saaray labo heshiis oo ay dowladdu la gashay shirkadda Adani oo laga leeyahay waddanka India.
Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa ku baaqay in baaritaanno la sameeyo oo tallaabo sharciyeed laga qaado dhammaan shakhsiyaadkii saxiixay labada qandaraas ee uu shalay baajiyay hoggaamiyaha dalka.
Heshiisyadan ayaa Adani kala dhexeeyay shirkadda qaybinta tamarta ee KETRACO iyo gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi oo lagu waday in la sii ballaariyo.
Amarka madaxweynaha ayaa yimid ka dib markii waaxda cadaaladda ee Maraykanka ay sheegtay in guddoomiyaha shirkadda Adani Group , Gautam Adani lala xiriiriyay fadeexad ah inuu laaluush bixiyey si uu dowladda India uga helo qandaraasyo.