Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ballan qaaday in maamulkiisa uu si adag oo aan tanaasul lahayn ula dagaallami doono musuqmaasuqa.
Waxaa uu hay’adaha madaxa bannaan ee qaabilsan la tacaalidda wax is daba marinta ku boorriyay in ay dadaalkooda laba jibbaaraan.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu gelinkii dambe ee shalay si wadajir ah uu khudbad ugu jeedinayay xildhibaannada baarlamaanka iyo senatarrada aqalka sare.
William Ruto ayaa tilmaamay inuu jiro qorsho ballaaran oo ay waaxyaha dowladda sida golaha fulinta, garsoorka iyo baarlamaanka iskaga kaashanayaan sare u qaadidda hufnaanta.
Waxaa uu caddeeyay in iyadoo la adeegsanaya horumarka casriga ah in bixinta adeegyada shacabka laga dhigi doono mid wax ku ool ah.