Maxkamadda Nyamira oo xukun 3 sano ah ku ridday macallin 107 mar qaraacay arday

0
283

Maxkamad ku taalla magaalada Keroka ee ismaamulka Nyamira ayaa xukun xabsi oo dhan 3 sano ku ridday ama inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 300 kun oo shilin mid ka mid ah macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada ku yaalla dowlad deegaankaasi.
Macallinka oo bare ka ahaa dugsiga hoose dhexe ee Riang’ombe SDA ee Nyamira ayaa lagu helay dambiga ah inuu garaacay arday 107 jeer, islamarkaana uu waxyeello u gaystay.
Waxaa go’aanka maxkamadda ku dhawaaqday garsoore Eunice Nyuthu
Garsooraha ayaa intaasi ku dartay in saraakiisha waaxda dacwad oogidda ay eedeysanaha kiiskan ku caddeeyeen.
Waaxda dacwad oogidda ayaa ku doodday in dhibaataada uu macallinka u gaystay ardayga ay naftisia halis gelisay.
Garsooraha ayaa xustay in eedeysanayaasha uu ku xadgudbay qodobbada dastuurka ee mamnuucaya ciqaabta adag ee ardayda.
Falkan ayuu macallinka gaystay 26-kii bishii Saddexaad ee sanadkii 2023-kii.
Waxaa uu macallinka haysta muddo 14 cisho ah oo uu racfaan kaga qaadan karo xukunka lagu riday.