Waxaa si wayn loo adkeeyay ammaanka caasimadda dalka ee Nairobi gaar ahaan hareeraha baarlamaanka.
Tani ayaa timid ka dib markii ciidamada booliiska ay sheegeen in ay ka war heleen warbixinno tilmaamaya inuu jiro dibadbax qorsheysan oo la doonaya in lagu carqaladeeyo khudbadda uu galabta madaxweynaha si wadajir ah ugu jeedin doono xildhibaannada iyo senatarrada.
Dhanka kale , qaar ka mid ah shacabka ayaa aragtidooda ka dhiibtay waxyaabaha ay rajeynayaan in hoggaamiyaha qaranka uu maanta ku soo qaato khudbadiisa sanadlaha ah.