Kiis kale oo ah Mpox oo laga xaqiijiyay Nakuru

0
123

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in kiis dheeraad ah oo la xiriira furuq –daanyeerka Mpox laga xaqiijiyay ismaamulka Nakuru.
Tani ayaa xaaladaha guud ee caabuqan ee ilaa iyo hadda laga diiwaangeliyay gudaha waddanka ka dhigaysa 18.
Wasiiradda caafimaadka ee dalka Dr. Deborah Barasa ayaa shaacisay in 18-ka kiis ee Mpox laga kala xaqiijiyay 11 dowlad deegaanno oo ah Nakuru (4), Nairobi (2), Mombasa (2), Kajiado (2), Bungoma (2), Taita Taveta (1), Busia (1), Makueni (1), Kericho (1), Uasin Gishu (1) iyo Kilifi (1).
Waxay intaasi ku dartay in 14 qof oo dadkan ka mid ah ay caafimaadeen halka 4 kale weli xaaladooda lala tacaalaya.