Kenya oo 2.1 bilyan ku bixisay howlgalka nabadsugidda ee Haiti

0
186

Dowladda Kenya ayaa lacag dhan 2.1 bilyan oo shilin ku qarash gelisay howlgalka nabadsugidda ee dalka Haiti.
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday dokumeentiyo wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka ay la wadaagtay baarlamaanka.
Hasa ahaate , wasiirka wasaaradda maaliyadda John Mbadi iyo xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Dr. Korir Sing’Oei ayaa labaduba sheegay in aan loo baahnayn in tani walaac laga muujiyo.
Waxay carrabka ku adkeeyeen in ay dhaqan caadi ah tahay in maalgelin horudhac ah la sameeyo ka dibna lacagtaasi ay dib u bixiso qaramada midoobay.