Xeer dejiyaasha dalka oo ku heshiiyay in ismaamullada la siiyo 387 bilyan

0
150

Guddiyo matalaya baarlamaanka iyo aqalka sare oo ay hoggaaminayaan xildhibaanka deegaanka Kiharu Ndindi Nyoro iyo senatarka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa ku heshiiyay in sanad maaliyadeedkan dowlad deegaannada la siiyo lacag dhan 387 bilyan oo shilin.
Waxay soo jeediyeen in qoondadii ismaamullada ee sanad maaliyadeedkii hore lagu kordhiyo 2 bilyan oo shilin.
Tani ayaa loo aaneeyay xaaladaha adag ee dhaqaale ee dalka ka jira.
Baarlamaanka dalka ayaa horay u ansixiyay hindise sharciyeedka qaybsashada dakhliga wuxuuna meel mariyay in ismaamullada lagu wareejiyo 380 bilyan oo shilin sidii ay ku talisay wasaaradda maaliyadda ka dib markii meesha laga saaray hindise sharciyeedkii maaliyadda ee sanadkan.
Hasa ahaate, senatarrada aqalka sare ayaa arrintaasi ka soo horjeestay waxayna ku adkeysanayeen in dakhliga dowlad deegaannada laga dhigo 400 oo bilyan oo shilin.
Xaaladdii ismar waaga ee taagnayd ayaa sababtay in guddi dhexdhexaadin sameeya arrintan loo saaro taasi oo ugu dambeyn is-afgarad laga gaaray.