Madaxweynaha dalka oo sheegay in dilalka sharci darrada ee haweenka la soo afjarayo

0
351

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee waddanka looga arrimiyo ee State House ee magaalada Naironbi kulan kula qaatay hoggaamiyayaasha haweenka ee waddanka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kiisaska la xiriira dilka haweenka ee waddanka ee bilooyinkii ugu dambeeyay la soo tabiyay.
Madaxweynaha ayaa hoggaamiyayaasha haweenka u xaqijiiyay in dilalka sharci darrada ee dumarka la soo afjarayo.
Waxaa uu intaasi ku daray in shakhsiyaadkii ku lugta lahaa dilalka haweenka sharciga lala tigsan doona.
Waxaa uu muwaadiniinta ku boorriyay in ay mas’uuliyad shakhsiyadeed iska saaraan xaqiijinta badqabka haweenka iyo gabdhaha.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu qaadi doona tallaabooyin adag oo looga falcelinaya dilalka haweenka iyo gabdhaha.