Guddiga KNCHR oo sheegay in 1,376 la xiray 5-tii bilood ee ugu dambeysay ee sanadkan

0
294

Guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha dalke ee KNCHR ayaa diiiwaangeliyay in la xiray 1,376 dibadbaxayaal ah intii ay socdeen mudaaharaadyadii waddanka ka dhacay ee looga soo horjeeday hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.
Waxaa uu guddiga intaasi ku daray in 610 ay dibadbaxyadaasi ku dhaawacmeen.
Guddoomiye ku xigeenka guddiga KNCHR Raymond Nyeris ayaa sheegay in 26 qof wali la’ yahay iyadoo ay jireen kiisas gaaraya 74 oo ah dad la waayay.
Mr. Nyeris ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ee ka falcelinyayay mudaaharaadyadii dhacay ay dhaacwacyada ugu badan u gaysteen dibadbaxayaasha.
Waxaa uu xusay in 25 ka tirsan ciidamada ammaanka ay ku dhaawacmeen mudaaharaadyadaasi.
Waxaa uu walaac ka muujiyay in afduubka iyo dilalka booliiska ay dalka dib ugu celiyaan maalmihii mugdiga ahaa.
Guddiga KNCHR ayaa sheegay in tiradan la diiwaangeliyay laga soo billaabo 18-kii bishii Lixaad ee June ilaa bishan 11-aad ee Nofeembar.