Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross ayaa sheegtay in ilaa 50 qoysas ah ay saameyn ka soo gaartay dabkii xalay fiidkii qabsaday aagga Kitui Village oo ka tirsan deegaanka hoose ee Pumwani ee ismaamulka Nairobi.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in 6 ruux ay dhacdadaasi ku nafwaayeen.
Hay’adda ayaa tilmaantay in 16 qof oo kale ay dhaawacyo soo gaareen oo la daaweeyay.
Hasa ahaate , afhayeenka adeegga qaran ee booliiska dalka Dr.Resila Atieno Onyango ayaa tirada dhaawaca ku sheegtay 10.
Weli ma cadda sababtii ka dambeysay in dabka uu halkaasi ka kaco balse taliyaha ciidamada booliiska ee Nairobi Adamson Bungei ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano lag ogaanaya xaqiiqada.