Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa ansixiyay mooshin ku saabsan in ay yeeshaan kal-fadhiyo dheeraad ah oo looga doodaya khudbadda berri ee madaxweynaha dalka William Ruto sidoo kalena lagu eegaya waxyaabaha tixgelinta mudan ka hor inta aynan bisha 12-aad qaadan fasax dheer.
Xildhibaannada ayaa fadhiyo gaar ah yeelan doono maalmaha Isniinta, Talaadada , Khamiista, Jimcada ee toddobaadka dambe iyo saddex cishe oo ka mid ah isbuuca ugu horreeya bisha Diseembar ee sanadkan.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka, Kimani Ichung’wah oo mooshinkan soo gudbiyay ayaa carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in isbeddelladan la sameeyo si looga baaqsado in mudanayaasha dib loogu yeero inta ay nasashada ku jiraan.
Fasaxa xeer dejiyaasha ayaa billaabanaya 6-da bisha 12-aad ee sanadkan wuxuuna ku egyahay 10-ka bisha 2-aad ee sanadka 2025.
Ichung’wah ayaa xusay in ay doonayaan in ay dhameystiraan howlaha hor yaalla ka hor inta aynan gelin fasaxa Christmas.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in la doonaya in xildhibaannada ay muddo ku filan u helaan ka doodidda khudbadda madaxweynaha.
Waxaa uu qorshuhu yahay in 21-ka bishan uu madaxweyne William Ruto si wadajir ah khudbad ugu jeediyo xubnaha baarlamaanka iyo senatarrada aqalka sare.