Kindiki oo ku boorriyay wasiirrada in ay si hufan ugu adeegaan kenyaanka

0
319

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kithure Kindiki ayaa ugu baaqay dhammaan wasiirrada iyo xoghayeyaasha wasaaradaha kala duwan ee dowladda inay si daacadnimo ay ku dheehan tahay ugu adeegaan kenyaanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee dowladda ee wax ka qabashada baahiyaha dadweynaha.
Kindiki ayaa ku nuuxnuuxsaday sida ay uga go’an tahay in uu si dhow ula shaqeeyo dhammaan saraakiisha iyo waaxyaha kala duwan si loo xaqiijiyo in dowladda ay ka soo baxdo waajibaadkeeda ku aaddan u adeegidda shacabka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in mas’uuliyiinta dowladda ay ixtiraamaan ballanqaadyada iyo dhaarti ay mareen.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa caddeeyay in isla xisaabtanku uu u baahan yahay hufnaan, warbixin joogto ah iyo qiimeyn.
Waxaa uu saraakiisha xasuusiyay in awoodda ay ku jirta dadweynaha, isagoo hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay hoggaan hufan.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu maanta goobjoog ka ahaa kulan ay wasiirrada wasaaradaha kala duwan iyo xoghayeyaashooda ay saxiixeen heshiiska waxqabadkooda ee lagula xisaabtamaya.