Madaxweynaha dalka oo wasiirrada ugu baaqay inay si hufan ugu adeegaan dadweynaha

0
282

Madaxweynaha dalka William Ruto oo maanta aqalka madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi kulan wadajir ah kula qaatay wasiirrada iyo xoghayeyaasha wasaaradaha kala duwan ee dowladda sare ayaa mas’uuliyiintan ku boorriyay in ay mudnaanta koowaad siiyaan u adeegidda shacabka.
Waxaa uu ugu baaqay in ay gaaraan dhammaan yoolalka ay hiigsanayaan wasaaradahooda.
Madaxweynaha dalka ayaa wasiirrada iyo xoghayeyaasha ka codsaday inay si ay si hufan ugu adeegaan dadweynaha inta ka harsan muddo xileedkooda.
Waxaa uu xusay in wasiirrada looga baahan yahay inay qaataan mas’uuliyadaha gaarka ah si loo xaqiijiyo guusha wasaaradaha ay hoggaamiyaan.
Madaxweyne William Ruto ayaa hoosta xarriiqay in fashil ku yimaado hal waax oo wasaaradaha ka tirsan ay saameyn ku yeelanayso waxqabadka guud ee dowladda.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka ayaa sheegay in tallaabo sharciga waafqasan laga qaadi doono mas’uuliyiinta dambiyada gala oo waajibaadkooda ka soo bixin.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in wasiirrada iyo xoghayeyaasha laga doonaya in aynan ku mashquulin danahooda khaaska ah, midda qoysaskooda, tan saaxiibbadooda, bulshooyinkooda iyo garabyada siyaasadeed.
Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli maamulkiisa lagu dhaliilay inuusan dhageysan cabashada kenyaanka.
Saaka ayay ahayd markii wasiirrada wasaaradaha kala duwan iyo xoghayeyaashooda ay saxiixeen heshiiska waxqabadkooda ee lagula xisaabtamaya.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in lagu wanaajiyo waxqabadka maamulka talada waddanka haya ee Kenya Kwanza si adeegyada loo fidinaya dadweynaha ay u noqdaan kuwo wax ku ool ah.