Waxaa maanta la billaabaya turxaan bixinta dadka doonaya in ay beddelaan madaxa fulinta ee guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC Twalib Mbarak.
Mbarak ayaa xilkan hayay tan iyo bishii 1-aax ee sanadkii 2019-kii.
Waxaa uu muddo xileedkiisa oo ka kooban 6 sano ku egyahay bisha 1-aad ee sanadka soo socdo.
Waxaa codsiyo soo dirsatay ilaa 172 ruux oo laga soo xushay 14 ka mid ah sida Stephen Ngowa, Doreen Muthaura, Jackson Mue, Joseph Onyango, Paul Maina, Victor Okongo, Peter Lomulen ,Obadiah Keitany, John Ole Moyaki, David Too, Cabdi Maxamuud , Justa Mwangi, Maxamad Mmaka iyo Waweru Karanja.
Sida uu qorshuhu yahay waxaa maanta su’aallo la waydiin doonaa Ngowa, Muthaura, Mue, Onyango iyo Maina.
Turxaan bixinta oo lagu qabanaya daarta guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ee magaalada Nairobi ayaa waxaa guddoomin doono saraakiisha sare ee EACC oo uu hor kacaya guddoomiyaha guddigan David Oginde.
Berri oo Arbaco ah waxaa la su’aali doonaa Okongo, Lomuleni, Keitany, Moyaki iyo Too halka Khamiista ay guddigan hor tagayaan Cabdi Maxamuud iyo shakhsiyaadka kale.
.
Home Wararka Kenya Turxaan bixinta shakhsiyaadka doonaya in ay hoggaamiyaan EACC oo maanta billaabanaysa