Wasaaradda maaliyadda oo sheegtay in ismaamullada lagu wareejiyay lacagaha loogu talagalay

0
316

Wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka ayaa sheegtay in ismaamullada ay heleen lacagihii ay dowladda dhexe u qoondeysay.
Bayaanka wasaaradda waxaa ku cad in miisaaniyaddan si dhameystiran loo bixiyay.
Waxay intaasi ku dartay in ismaamullada lagu wareejiyay ilaa 158 bilyan oo shilin oo ah lacagihii loogu talagalay bilihii 6-aad, 7-aad, 8-aad, 9-aad iyo 10-aad ee sanadkan.
Waxay tilmaantay in dhaqaalaha ismaamullada uga maqan dowladda sare uu yahay keliya midka bishan 11-aad.