Ururka barayaasha jaamacadaha ee UASU oo dibadbax dhigay

0
259

Ururka ay ku mideysan yihiin barayaasha jaamacadaha waddanka ee UASU ayaa maanta dibadbax dhigay.
Waxaa ay dibadbaxoodi ka soo billaabeen jaamacadda Nairobi iyagoo tagay dhismaha baarlamaanka ee dalka.
Barayaasha jaamacadaha ayaa sidoo kale banaanbax ka dhigay xarumaha wasaaradaha waxbarashada iyo maaliyadda ee dalka ee magaalada Nairobi.
Waxaa ay barayaasha jaamacadaha ee UASU toddobadkii afaraad kuguda jiraan shaqo joojin.
Shaqo joojinta ayaa timid ka dib markii ay dowladda ku guuldareystay in dhaqangeliso heshiis uu ururka UASU shaqada dib ugu laaban lahaa.
Waxaa ay sheegeen in dowladda aynan fulin ballanqaadkii ahaa in la kordhiyo mushaarkooda iyo sidoo kale fulinta heshiisyo gorgortan ku saleysnaa.