Eedeysanayaal lagu helay hanti la soo dhacay oo la xiray

0
218

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in la xiray labo eedeysanayaal oo lagu kala magacaabo Julius muthomi oo 20 sano jir ah iyo Pius Kang’ethe Maina oo 29 sano jir ah.
Dadkan ayaa laga qabtay bartamaha magaalada Mombasa ka dib xog ay soo gudbiyeen dadweynaha.
Waxaa loo haystaa in ay siteen hanti la rumeysan yahay in la soo dhacay.
Howlgalka lagu soo xiray tuhmaneyaasha ayaa laga sameeyay dhismaha Rio ee waddada Digo Road.
Laamaha ammaanka ayaa xusay in ay howlgalkaasi ku soo heleen 51 taleefoonnada gacanta ah, kombiyuutarro iyo agab kale.
Hantida la soo helay ayaa qiimo ahaan lagu sheegay in ka badan 1.2 milyan oo shilin.
Waaxda DCI-da ayaa beenisay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay in eedeysanayaasha laga soo qabtay madaxtooyada yar ee ismaamulka Mombasa.