Wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha qaranka ayaa laga billaabo maanta dadweynaha fursad u siinaysa in ay aragtidooda ku biiriyaan labo hindise sharciyeed oo la xiriira canshuurta.
Guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan arrimaha maaliyadda iyo qorsheynta ayaa kulamada shacabka ku qaban doono ismaamullo kala duwan.
Fadhiyadan ayaa inta u dhexeysa 25-ka ilaa 28-ka bishan 11-aad lagu soo gabagabeyn doonaa xarunta shirarka caalamiga ee (KICC) ee magaalada Nairobi.
Waxaa ka mid ah isbeddel lagu sameeyay xeerarka canshuuraha si dowladdu ay sanad maaliyadeedkan u hesho dakhli dheeraad oo ah in ka badan 178 bilyan oo shilin.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in lagu daboolo gaabadka miisaaniyadeed ee ka dhashay tallaabadii meesha looga saaray hindise sharciyeedkii maaliyadda ee Finance Bill 2024 ee ay kenyaanka si wayn uga soo horjeesteen si raasimaal loogu helo fulinta mashaariicda horumarineed.
Geeddisocodka dadweynaha looga qayb gelinaya qorshahan ayaa ka billaabanaya ismaamulka Isiolo.
Waxyaabaha la soo kordhiyay waxaa ka mid ah in boqolkiiba 10 la canshuuro dakhliga laga helo adeegyada casriga ah sida ablikeeshinnada laga dalbado baabuurta ee online-ka ah.
Sidoo kale, wasaaradda maaliyadda ayaa soo jeedisay in canshuur ah boqolkiiba 16 laga qaado tikedhada laga iibsado wakaaladaha safarrada.
Haddii ay isbeddelladan dhaqan galaan waxaa boqolkiiba 16 la canshuuri doonaa qarashaadka lagu galo seeraha qaran iyo adeegyada shirkadaha hago dalxiisayaasha.