Ardayda dhigta jaamacadaha dowladda ee dalka ayaa doonaya in si degdeg ah loo xalliyo shaqo joojinta ay toddobaadkii afaraad ku guda jiraan bareyaasha.
Waxay sheegeen in waqti badan uu uga lumay isfahan waaga dowladda iyo xubnaha ururka UASU oo dalbanaya in la wanaajiyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan iyo in loo sameeyo mushaar kordhin.
David Karani oo xubin ka ah ururka u ololeeya wanaajinta howlaha tacliinta ee Elimu Bora ayaa ku baaqay in labada dhinac ay heshiis gaaraan si ardayda ay waxbarashada u sii wataan.