Wasiiradda caafimaadka ee dalka Deborah Barasa ayaa hoggaamiyaasha siyaasadeed ka codsatay in ay gacan ka gaystaan sidii dadweynaha lagu fahansiin lahaa oo ay isugu diiwaangelin lahaayeen caymiska caafimaadka bulshada ee SHA.
Xilli ay ku sugnayd Kapenguria oo ka tirsan ismaamulka Galbeedka Pokot ayay wasiiradda hoosta ka xarriiqday in shacabka nidaamkan isku diiwaangeliyay ay ka faa’iidaysanayaan.
Waxay sheegtay in wasaaradda ay hoggaamiso ay ka go’an tahay xaqiijinta sidii dhammaan kenyaanka ay ku heli lahaayeen daryeel caafimaad oo tayo leh.
Hasa ahaate, waxay xustay in loo baahan yahay in mas’uuliyad guud la iska saaro sidii sare loogu qaadi lahaa diiwaangelinta.
Waxay intaasi ku dartay in tabashooyinka laga qabo hannaanka SHA la xallin doono si barnaamijkan loogu guulaysto.
Dr. Deborah Barasa ayaa sheegtay in dhammaadka bishan 11-aad , dhammaan isbitaallada iska diiwaangeliyay caymiska SHA ay heli doonaan lacagaha loogu talagalay si adeegyada aynan uga kala go’in bukaannada.