Ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirtu dalka ee KMPDU ayaa sheegay in xubnaha ka tirsan ururkan ay shaqo joojin ku dhaqaaqi doonaan bisha soo socoto ee Diseembar, haddii ay dowladda ku guuldarreysato inay dhaqangeliso heshiiskii gorgortanka ku saleysna ee (CBA).
KMPDU ayaa sheegtay in dowladda haddii aysan heshiiskaasi dhaqangelin ugu dambeyn 30-ka bishan ay markii labaad ee sanadkan gudihiisa shaqo joojin guda galayaan.
Xoghayaha guud ee ururka dhakhaatiira dalka ee KMPDU, Dr. Davji Atellah ayaa sheegay in dowladda ay iska indhatirtay heshiisyo ay wada galeen.
Waxaa uu sheegay in dowladda ay horraan ballan qaaday inay wax ka qaban doonto tabashooyinka howlwadeennada caafimaadka.
Xoghayaha Guud ee ururka KMPDU ayaa xusay in ay muddo 7 sano ah sugayeen in la dhaqangeliyo heshiiskii ay dowladda la gaareen.
Waxaa uu tilmaamay in muddadan gudaheeda ay qayb ka ahaayeen wada tashiyo badan iyo geeddisocod maxkamadeed oo natiijooyinkooda aan la tixgelin ama lagu tallaaba qaadin.