Madaxweynaha dalka oo xilal u magacaabay Evans Kidero iyo Canab Maxamad Guure

0
447

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa barasaabkii ugu horreeyay ee ismaamulka Nairobi Dr. Evans Kidero u magacaabay guddoomiyaha shirkadda iskaashiga qaran ee ganacsiga ee (KNTC).
Waxaa uu xilkan hayn doona muddo saddex sano ah oo ka billaabatay shalay.
Barasaabkii hore ee Nairobi ayaa jagadan kala wareegay Xuseen Tene Debasso oo uu magacaabistiisa madaxweynaha meesha ka saaray.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sidoo kale wakiilkii hore ee haweenka ee ismaamulka Garissa Canab Maxamad Guure u magacaabay inay xubin ka noqoto guddiga webiyada ee Nairobi.
Waxaa ay xilkan hayn doonta muddo 3 sano ah.
Magacaabista Canab ayaa timid ka dib markii jagadan ay horay iska diiday Millicent Omanga oo mar soo noqotay senatarad si magacaabid ah ugu biirtay aqalka sare ee waddanka.