Shirka golaha wasiirrada ee dalka oo arrimo dhowr ah looga hadlay

0
441

Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Xuseen Maxamad ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xaaladda dhaqaale ee waddanka ay hadda ka wanaagsan tahay sidii hore.
Waxaa golaha wasiirrada lagu wargeliyay in qiimaha sicir bararka uu hoos u dhacay boqolkiiba 2.7 bishii hore marka loo barbardhigo bishii Sagalaad ee sanadkii 2022-dii oo uu ahaa 9.6 boqolkiiba.
Tani ayaa hoos u dhigtay qiimaha cuntooyinka sida galleyda iyo digirta.
Wasaaradda maaliyadda ayaa sheegtay in la xasiliyay qiimaha shilinka dalka marka la eego sida loogu sarrifo lacagaha qalaad.
Muddo hal sano ah wixii ka horreeyay bishii Lixaad ee sanadkan , maamulka canshuuraha dalka ee KRA ayaa boqolkiiba 11.5 kordhiyay dakhliga.
Sidoo kale, waxaa golaha wasiirrada lala wadaagay warbixin ah in tan iyo bishii Toddobaad ee sanadkii hore ay qurbaha shaqooyin ka heleen 105,367 qof oo kenyaan ah.
Waxaa caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee SHA ilaa iyo hadda isku diiwaangeliyay in ka badan 14 milyan oo ruux.
Madaxweynaha dalka William Ruto oo shirka guddoomiyey ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyay Prof. Kithure Kindiki oo dhawaan ku xigeenkiisa noqday.