Wasaaradaha caafimaadka iyo waxbarashada ee dalka , sidoo kale taliyaha guud ee ciidanka booliiska ayaa dhammaan gaashaanka u daruuray dhaliillo ay shalay baadariyaasha kaniisadda Catholic-ga u jeediyeen dowladda.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in farriinta madaxda kaniisadaha ay ahayd mid ay khaladaad ku jireen oo dadweynaha marin habaabinaysa.
Bayaanno ay soo saareen wasiiradda caafimaadka ee dalka Deborah Mulongo, dhigeedda tacliinta Julius Migos Ogamba iyo taliyaha guud ee booliiska Douglas Kanja ayaa lagu sheegay in baadariyaasha ay dafireen horumarro wax ku ool ah oo ay dowladdu sameysay kuwaasi oo ku saabsan caymiska SHA, hannaanka maalgelinta jaamacadaha, manhajka waxbarashada ee CBC iyo baaritaannada lagu sameeyay dilalkii sharci darrada ahaa ee dhacay iyo afduubyo la soo tabiyay.
Deborah ayaa iska difaacday eedeynta ah in wasaaradda ay hoggaamiso aynan diyaar u ahayn in la bixiyo deymaha hannaankii NHIF ee isbitaallada diimeed.
Waxay Dr. Barasa sheegtay in dowladdu ay lacag dhan 7.58 bilyan u qoondeysay sidii lagu bixin lahaa qayb ka mid ah deymahan oo hadda ah 19 bilyan oo shilin.
Wasiiradda ayaa intaasi ku dartay in caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee SHA uu isbitaallada ku wareejiyay ilaa 5 bilyan oo shilin oo ay ka mid tahay 938 milyan oo dowladda uga maqnayd isbitaallada ay ururrada diimeed maamulaan oo u badan kuwa Catholic-ga.
Wasiiradda caafimaadka ee dalka ayaa xustay in toddobaadka dambe la bixin doono 2.5 bilyan oo dheeraad ah.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada , Julius Migos Ogamba ayaa dhankiisa sheegay in dowladdu ay sameysay horumar ku aaddan dhaqangelinta manhajka CBC iyo maalgelinta tacliinta sare.
Ogamba ayaa qoraal ku sheegay in tan iyo markii dowladdu ay sanadkii hore daahfurtay nidaamka maalgelinta jaamacadaha iyo arday badan laga dulqaaday culeysyo maaliyadeed oo haystay sida in la bixiyay amaah dhan 70 bilyan oo shilin.
Wasiirka waxaa uu sheegay in ka hor intii aan la dhaqangelin CBC in lagala tashaday daneeyayaasha kala duwan oo ay ka mid yihiin baadariyaasha kaniisadaha iyo dadweynaha.
Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Douglas Kanja ayaa dhankiisa sheegay in adeegga qaran ee booliiska ee NPS uu xiray 1552 qof oo lala xiriirinaya afduubyo iyo dilal dhacay .
Kanja waxaa uu tilmaamay in qayb gaar ah loo xil saaray dadka la waayo iyo tacaddiga jinsiyadeed si loola tacaalo afduubyada iyo dilalka ka dhanka ah haweenka.
Intii ay socdeen dibadbaxyadii ka dhanka ahaa dowladda waxay dhaawacyo soo gaareen 495 oo booliis ah, 347 ruux oo rayid ah .
Waxaa uu taliyaha guud ee booliiska sheegay in sidoo kale ay dhinteen 42 qof oo shacab ah halka la diiwaangeliyay dhacdooyin gaaraya 69 oo lagu burburiyay baabuurta dowladda.
Tirada dadka la waayay ee ay booliiska diiwaangeliyeen ayaa ah 57 ruux.
22 oo dadkan ka mid ah ayaa la helay iyagoo nool , 6 ayaa meydadkooda la arkay halka 29 weli aan meel lagu ogeyn in kastoo ay laamaha ammaanka ku dadaalayaan sidii lagu heli lahaa shakhsiyaadkan.
Douglas Kanja ayaa sheegay in saddexdii bilood ee ugu dambeeyay la soo tabiyay in la dilay 97 qof .
Waxaa uu intaasi ku daray in kiisaskan badankooda la baaray oo la aqoonsaday dadkii ku lugta lahaa kuwaasi oo maxkamadda la soo taagay.
Sidoo kale , waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dilalka lala xiriiriyay ciidamada ammaanka ay baaritaanno ku hayaan maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska ee IPOA iyo waaxda dacwad oogidda dalka.
Kanja ayaa intaasi ku daray in waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ay baareysa afduubyada la gaystay oo uu jiro hor u socod la sameeyay.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka sare ee dalka Aaron Cheruiyot ayaa dhankiisa ururka baadariyaasha kaniisadda Catholic-ga ee KCCB ku dhaliilay inuu si guud u cambaareeyay dowladda.
Waxaa uu sheegay in aan la wada eedeyn karin xeer dejiyaasha halka dhigiisa baarlamaanka Kimani Ichung’wah uu xusay in madaxda kaniisadaha ay siyaasadeeyeen arrimaha taagan.