Waxaa xilkiisa loo dhaariyay guddoomiye ku xigeenka ismaamulka Uasin Gishu Evas Kapkea.
Waxaa uu beddelay John Barorot oo is casilay saddex bilood ka hor.
Garsoore Robert Wananda oo ka howlgalo maxkamadda sare ee dalka ayaa dhaariyay Kapkea .
Waxaa uu mas’uulkan ballan qaaday inuu si hufan ugu adeegi doono shacabka Uasin Gishu isagoo si dhow ula shaqeynaya barasaabka dowlad deegaankaasi Jonathan Bii .
Kapkea ayaa horay u soo noqday wakiilkii deegaanka hoose ee Tembelio ee Uasin Gishu.
Waxaa uu khudbadiisa ku sheegay inuu xoogga saari doono sidii shacabka halkaasi ku nool ay u heli lahaayeen adeegyo tayo leh.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inuu barasaabka garab buuxa ku siin doono ka dhabeynta qorshayaasha horumarineed.
Waxaa uu guddoomiyaha Uasin Gishu uga mahadceliyay inuu u soo xushay ku xigeenkiisa.