Iiraan oo sheegtay inay diyaar u tahay inay la xaajooto hay’adda xakameysa hubka ee QM

0
310

Dowladda dalka Iiraan ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay la xaajooto hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan xakameynta isticmaalka hubka sida darandooriga u dhaca ee atoomigga ee (IAEA).
Hasa ahaate , waxay xukuumadda Tehraan hoosta ka xarriiqday in aan marnaba lagu cadaadin karin u hoggaansanka xeerarka u degsan adeegsiga hubka nukliyeerka.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan Abbas Araghchi oo la kulmay madaxa (IAEA) Rafael Grossi ayaa sheegay in aynan cidna ka aqbalayn cadaadis iyo cabsi gelin.