3.6 milyan oo carruur ah oo laga tallaalay dabeysha

0
282

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay in tallaalka ka dhanka ah cudurka dabeysha la siiyay carruur ay tiradoodu tahay 3.6 milyan.
Tani ayaa u dhiganta boqolkiiba 86 ee bartilmaameedkii guud.
Xoghayaha wasaaradda caafimaadka ee waddanka ,Mary Muthoni ayaa sheegtay in qorshaha dowladda uu ahaa in tallaalka la siiyo 4.2 milyan oo carurur ah una dhiganta boqolkiiba 95 , wareegga labaad ee barnaamijkan .
Waxay dadweynaha u xaqiijisay in carruurta aynan wax dhibaato caafimaad ah ka soo gaareyn tallaalka ay qaateen maadaama uu yahay mid ay ansixiyeen hay’adaha qaramada midoobay sidaasi awgeedna aan loo baahnayn in waalidiinta ay ka walaacaan badqabka ubadkooda.
Waxay Mary Muthoni hoosta ka xarriiqday in dhammaan tallaalka laga bixiyo gudaha waddanka lagu baaro shaybaarka qaran ee taya-dhowrka iyo guddiga maareeya farmashiyada kana hor tago isticmaalka waxyaabaha sunta ah.
Xoghayaha ayaa dhanka kale waalidiinta iyo dadka mas’uulka ka ah daryeelka carruurta ka codsatay in aynan ubadka u diidin in la tallaalo si loo xoojiyo difaaca jirkooda.
Waxay waalidiinta ku boorrisay in ay carruurtooda geeyaan xarumaha caafimaadka ee ugu dhow si looga tallaalo cudurka dabeysha.