Roobab culus oo la saadaalinaya in ay dalka ka da’aan

0
397

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa soo saartay wargelin ah in la rajeynaya in qaybaha kala duwan ee waddanka ay maanta iyo berri ka da’aan roobab culus.
Meelaha ay 24-ka saacadood ee nagu soo aaddan ka di’i karaan roobab uu heerkoodu ka sarreeya 20 millimeter waxaa ka mid ah bartamaha Rift Valley , Bartamaha Kenya , Nairobi iyo deegaannada joog ahaan hooseeya ee Koonfurta Bari.
Waxaa ay saadaashu tilmaamaysa in baaxadda roobabka la filaya ay sii kordhi karto Jimcada.
Ismaamullada ay u badan tahay in ay roobab ka da’aan oo shacabka ku nool lagu boorriyay in ay taxaddaraan waxaa ka mid ah Meru, Embu, Tharaka Nithi, Kirinyaga, Murang’a, Nyeri, Kiambu, Nyandarua, Laikipia, Isiolo, Nakuru, Kericho, Bomet, Narok, Kajiado, Nairobi, Machakos, Kitui iyo Makueni.
Dadweynaha ayaa loogu baaqay in ay feejignaadaan maadaama ay roobabku ka dhalan karaan daadad.
Sidoo kale, kenyaanka ayaa lagula taliyey in aynan baabuurta ku dhex kaxeyn ama aynan ku dhex lugeynin meelaha ay biyuhu ku badan yihiin oo ay gabbaad ka dhigtaan geedaha hoostooda si aynan biriq u saameyn.
Shacabka gobolka Bartmaha dalka ayaa lagu boorriyay in ay si gaar ah u feejignaadaan maadaama uu deegaannadooda saameyn karo dhul go’.