Garissa: 2 arday ah oo loo xiray xatooyada imtixaanka KCSE

0
475

Waxaa lagu soo warramayaa in la xiray 3 arday oo sanadkan sameynaya imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da.
Ismaamulka Garissa, waxaa lagu xiray labo ka mid ah ardayda sanadkan sameynaya imtixaanka KCSE-da.
Ardaydan ayaa lagu helay taleefoonnada gacanta oo la rumeysan yahay inay ka heli lahayeen macluumaadka imtixaanka.
Waxaa ay ardaydan saaka u fadhiyeen maadooyinka diininga ee I.R.E Paper 1 iyo Biology.
Dhanka kale, waxaa dhacdo kale ee la xiriirta xatooyada imtixaanka laga soo tabiyay dugsi ku yaalla ismaamulka Baringo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in la la xiray arday sameynayay imtixaanka KCSE, kaas oo lagu helay taleefoonka gacanta oo ay ku keydsadeen macluumaadka imtixaanka.
Tani ayaa imaanaysa maalmo un ka dib markii wasaaradda tacliinta ee dalka ay mamnuucay in taleefoonnafa gacanta lagu dhex isticmaalo goobaha imtixaanaadka ay ka socdaan.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Julius Migos ayaa sheegay in cidii lagu helo xatooyada imtixaanka ay iyada mas’uuliyadda qaadaneyso, islmarkaana sharciga lala tiigsanayo.