Waxaa ismaamulka Marsabit lagu xiray mid ka mid ah saraakiisha maareynaya imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiga sare ee KCSE-da.
Waxaa sidatan warbaahinta u sheegay taliyaha booliiska ee dowlad deegaankaasi Leonard Kimaiyo.
Taliyaha ayaa xaqiijiyay in kormeeraha oo ku eedeysan fududeynta xatooyada imtixaanka uu hadda ku jiro saldhigga booliiska ee Marsabit.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in lagu tuhmay inuu hayey nuqullada warqadaha imtixaanka KCSE-da.
Mr.Kimaiyo ayaa intaasi ku daray in mas’uuliyiinta golaha qaran ee imtixaannada ee (KNEC) ay gacanta ku dhigeen eedeysanaha ka dib markii lagu arkay nuqullada imtixaanka maadada Sawaaxiliga qaybteeda suugaanta.
KNEC ayaa mar kale sheegtay in ay ka go’an tahay xaqiijinta hufnaanta geeddisocodka imtixaanka qaran si natiijada ka soo baxdo loogu kalsoonaado.