Dowladda oo sheegtay in la soo wici doono dadka ku guulaysta ka shaqeynta gudaha Qatar

0
178

Wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka Dr. Alfred Mutua ayaa sheegay in aan farriimo gaaban loo soo diri doonin balse si toos ah loo soo wacaya shakhsiyaadka ku soo baxa turxaan bixintii shaqaaleysiinta ee lagu qabtay xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa arrinkan ka qayb qaatay kenyaan badan oo doonaya in ay ka howlgalaan gudaha waddanka Qatar.
Alfred Mutua ayaa shacabka ku boorriyay in ay digtoonaadaan si aysan u khiyaamin dad uu ku tilmaamay dhagar qabayaal.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in warqadaha rasmiga ee shaqaaleysiinta laga qaadan doono xarunta KICC.
Waxaa uu intaasi ku daray in saraakiisha amniga ay baaritaano dabagal ah ku sameynayaan dadka ka dambeeyay macluumaad been abuur ah oo la faafiyay.
Dr. Alfred Mutua ayaa dhanka kale sheegay in geeddisocodka howlgelinta uu noqon doono mid cadaalad ah.
Waxaa uu tilmaamay in wasaaradda shaqaaleysiinta ay si qoto dheer u turxaan bixisay shirkadda barnaamijkan gacanta ku haysa si loo hubiyo hal-beegga tayo ee ugu wanaagsan.
Dowladaha Kenya iyo Qatar ayaa dhawaan wada saxiixday heshiis is-afgarad ah oo lagu doonaya in tirada kenyaanka ee waddankaasi ka shaqeeya oo hadda ah 67,000 oo qof laga dhigo inta u dhexeysa 200, 000 ilaa 300,000 .